Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Shirkadda DP World ku tilmaamay mid halis ku ah dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Teleefishinka Al-Carabi ayaa faah-faahiyay cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo kol hore go’ay.

Waxa uu dul istaagay Shirkadda DP World oo horay go’aan ka dhan ah joojitaankeeda Soomaaliya ay qaadatay Xukuumadda Federaalka iyo howlaha ay ka wado Deegaannada Somaliland.

Sharci darro ayuu ku tilmaamay howlaha ay heyso shirkaddaan, isla markaana ay meel ka dhac ku sameysay Madax banaanida Soomaaliya, balse dulqaadka Dowladda oo u muuqda in uu sii idlaanayo.

“Shirkadda Dekedaha Dubai DP World waa ay na xumeysay, waxa ay khatar ama halis ku yihiin midnimada dalkeenna, mana joojin wali faragelinta ay nagu heyso, waan dulqaadanay inkasta uu sabarka xad leeyahay, diyaar ayaan u nahay ka dowlad ahaan in aan difaacano wadajirkeeda, danaheena shacabka iyo wax waliba oo meel ka dhac u ah” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhanka kale wax laga weydiiyay wada hadalka iyo dadaalada socda ee Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya oo loola jeedo Soomaaliya iyo Somaliland.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dadaalo kala duwan uu socdo oo la xiriira sidii la isku fahmi lahaa, waxaana uu bogaadiyay khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee 6-dii bishaan uu labada gole ee BFS kahor sheegay in la socodsiinayo wada hadalka si xal loo gaaro.

Sidoo kale, qorshaha Turkiga ee tan iyo sanadkii 2011-tii ee Soomaaliya, iyo waxa iska badali karo Mustaqbalka fog iyo kan dhaw Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara oo haatan wanaagsan.

“Xukuumadda Turkiga waxa ay garab istaagtay guud ahaan Dalalka Muslimiinta, Soomaaliya qayb ayay ka tahay wadamadaas, Ankara waxa ay Soomaaliya ka garabsiisay arrimo dhowr ah sida daaweynta dadka xannuunsan, Ganacsiga, dhismaha Ciidanka iyo duruufo kala” sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxa la weydiiyay xiriirka Sooamaliya ee Dowladaha Carbeed oo laga xusay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga oo aan xiriirkoodu wanaagsaneen dalka Turkiga oo cilaaqaad dhinacyo kala duwan ka dhisan la wadaago Soomaaliya.

“Dowladaha sida Masar iyo Sacuudiga waxa ay gacansiiyaan Soomaaliya waqti hore iyo xiligaan, sanado dheer oo dhibaatooyinka amniga iyo siyaasadda aan ku guda jirnay waa ay na garab qabteen, waana waajib walaaltinimo oo saaran, Soomaaliya waa dal hodan ah balse aan loo dusin ka faaiideysiga sabab la xiriirta xasiloonida” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay siyaasadda Soomaaliya ee dalalka Carabta, tan Caalamka iyo heer Gobol oo ah qaaradda ay dhacdo iyo mustaqbalka dhaw iyo tan fogba qorshaha loo marayo.

“Siyaasadeena sida aan hadalka ku bilaabay waa dhismaha Nolosha, Caawinta, is garabsiinta, adkeynta siyaasadda iyo la dhaqanka guud ahaan Dowladaha Caalamka sida Walaalaheen Carabta, Ameerika, Aasiya, Yurub iyo qaarad iyo dal waliba, waan xushmeynaa waana wanaajinaa, doorka aan ka ciyaarno siyaasadda arrimaha dibadda la dhaqanka Dowlado badan iyo Hay’ado kala duwan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.