Booliska maamulada Puntland Iyo Galmudug oo ka warbiyay howlgal dad lagu soo qabtay oo ka dhacay Gaalkacyo.

Muqdisho:-Taliye  qeybeedya  Ciidanka Boliska Gobalka Mudug ee Puntland Iyo Galmudug G/Sare Muumin Cabdi Shire Iyo G/Dhaxe Qaasim Shirdoon Cali ayaa si wadajir ah faah faahin uga bixiyay howlgalo 24kii Saac ee u danbeeyay ay magaalada Galkacyo si Iskaashi ah uga wada Sameeyeen Ciidanka Booliiska Labada Maamul oo Kaashanaya Ciidamada PSF iyo Danab.

Howgaladaas Intii Ay Socdeen waxaa lagu  Soo Qab Qabtay Shaqsiyaad Lagu tuhun Sanaa In ay Ka Tirsan Yihiin Maleeshyaadka argagaxisada ah kuwaas oo Gabaad Ka Dhiganayay qeybo Ka Mida Xaafadaha Magaalada Galkacyo.

Wasiiru dowlaha wasaarada Caddaladdda Puntlan Ilyaas Cabdi Maxamed Iyo Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi yaa bogaadiyay guulaha muuqda ee Laga gaaray olalaha La dagaalanka Argagixisada ee ay iska kaashanayaan Ciidamada Labada Maamul oo gacan xoogan Ka Helay Ciidanka La dagaalanka Sharwadayaasha ee PSF Iyo Ciidanka kumaandooska ee Danab.