Su’aasheydii Xasan Shiikh!!!.

Waa billawga bishii Febraayo ee sanadkan 2020, malaheyga waa markii afaraad oo aan la kulmayo madaxweyne Xasan Shiikh. Markaan tiro tobaneeyo dhallinyara ah ayaan wada soconnaa. Waxaa ujeedku yahay in Xasan aan ka dhageysanno damaciisa mar kale, innaguna aan hor dhigno wixii uu falay xumaan iyo samaan intaba.


Xasan si dheer buu uga faallooday wixii uu qabtay, mar walbana wuxuu na tusayay caqabadda ku gudbaneed iyo sida odaynimada leh ee uu uga dabaashay.
Dooddu waxey socotaba aniga ayey isoo gaartay, su’aal inaan qabo ayaan u sheegay, balse uu ii dul qaato oo wax aan saacado ka hor arkay isagana ku saabsan aan rabo inaan u sheego. Wuu iga aqbalay.
” Madaxweyne galabta waxaan Mooto Bajaaj kasoo raacay isgoyska Dabka, sida caadada ahna mar walba waa la sheekeystaa darawallada mootooyinka aan raaco, markii aam mareyno aargada Lambar Afar (KM4) ayuu darawalkii oo da’ahaan aniga i aaddaanaa igu yiri ‘ fiiri sartaan ( Ex Shaleemo Ekwadoor” waxaa leh Xasan Shiikh, wali waa qabyo. Markuu xukunka kusoo laabto ayuu rabaa inuu dhisto’ intaas ayuu igu yiri.

Hadde madaxweyne waa galabtadan e ogoow, ma hubo anigu ka Axmad ahaan inaad meeshaas leedahay iyo inkale, balse in badan oo dadka sidaas ayey aaminsanyihiin, meela kalana waa jiraan oo lagugu xanto” intaas markaan maraa ayuu madaxweyne Xasan Shiikh qosol la dhacay.

Wuxuuna yiri. Magacaagii xoow ahaa, markaassan iri, Madaxweyne Axmed. Axmedoow sheeko 3 sano ka hor ah aan kuu sheego anna. Wuxuu ku billaabay.

” Habeen xilli dambe aniga oo madaxtooyada jooga -intii uu madaxweynaha ahaa- ayaa waxaa ii yimid nin la yiraah Faarax Ugaas oo abtina iigu aaddan, xilligii Maxamed Siyaadna aan ganacsato isla aheyn inkastuu aad iiga jeeb roonaa, markaan arkay aadbaan u farxay, waana u istaagay. Bariidin iyo xusuus waayo hore iyo hebel ka warran kaddib ayaan weydiiyay wuxuu iigu yimid.

Wuxuu igu yiri ‘ Xasanow xoolo kaama rabo nuucey doonaan aha ahaadaane, balse waxaan kuugu imid inaan mid kuu sheego kuuna duceeyo. Maqribka markaan tukado ayaan meel hotelka aan daganahay ka mid ah fariistaa, dhallinyaraa ila fariisata, waxey maalin walba ka sheekeyaan sidaad tuug u tahay dhulkiina u boobtay, anigoo yaabban oo leh war ninku ma gadaashaa uu waxaas bartay ayaa habeen hore dhallinyaradii waxey sheekada kusoo dareen in Xasan Shiikh leeyahay ‘ Shaleemo IKwadoor’ isaguna uu dhisanaayo.
Runtii waa naxay oo waxaan is weydiiyay goorta aad xoolaheyga qaadatay oo meeshaas ninka dhisanaahu waa aniga. Dhallinyaradii ayaan ku iri, war u kaadiya meeshaas anaa leh oo dhisanayee.

Wey naxeen waxeyna ii sheegeen in beledka dhan saas ku jirto. Marka Axmadow waxa la sheegaa waa iska wada sidaas, anigu Beledkaan Xamar ah hal guri aan ku leeyahay isna Madiino ayuu ku yaallaa waagii Maxamed Siyaad ayaanan gatay. Wixii kale oo war ah waa la wadi karaa, kuleyl iguma haayaan.
Sheekadaan waxaa isoo xasuusiyay wareysigii dhawaan Dalsan TV ay deysay Goosgooskiisa.
Axmed cumar