Maxaa ka soo baxay kulankii maanta guddiga joogtada ah ee golaha shacabka?

Guddiga joogtada ah golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxay ku go’aamiyeen in Arbacada berrito ay xildhibaanada golaha shacabku yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhigan.

Kalfadhigan 7-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamaankan 10-aad ayaa waxaa 6-dii bishan furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hab-dhowraha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajendaha berri ee golaha shacabka uu yahay akhrinta koowaad ee sharciga xisbiyada siyaasadda dalka.

Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa meel marinta shuruuc dhowr ah kuwaas oo lagama maarmaan u ah qabsoomidda doorashada lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkan.