MADAXWEYNE, IN LAGUGU MAADEYSTO ADIGAA MAS’UUL KA AH.

Mudane, aan maanta talo muwaaddin oo aad xaq iigu leedahay ku siiyo si aan kaaga ilaaliyo in adiga oo Madaxii dalka ah ay dadkaagu kugu maadeystaan sidiiyoo aad tahay mid maankiisu dhimmanyahay.
Maanta iyo muddooyin hore ba, waxaad si ku celcelis ah noogu sheegeysaa inaad Dalka ka qabaneyso doorasho Qof iyo Cod ah, laakiin dadka maankoodu dhameystiranyahay taas kaama qaadanayaan, waana kugu shactareysanayaan maxaa yeelay waxay u jeedaan inaad iska ciyaareyso, haddii kuwooda xagjira aysan ba kugu tilmaamin nin waalan ama fayow laakiin riyo maalmeed kaligii ku jira.
Mudane, guuldarrada oo aad qirataa waxay ka wanaagsantahay inaad iyada ku adkeysato. Carruur iyo cirroole waxay u jeedaan nuuca doorasho ee dalkan ka dhici kara. Mid toosan oo ay iyagu ka qeyb galaan kaama sugayaan se waxay dhowrayaan mid kale oo sidii hore u qalloocan misana qabiileysan.
Haddii aad dadaal kasta oo maalin iyo habeen ah galiso qabashada doorashada kaligaa uun kula macquulka ah, kuuma suurtagaleyso sababtoo ah:
•Dadka wax dooranaya ammaankooda ma sugi kartid.
*Deegaanada doorashada in badan oo ka mid ah Argagixiso ayaa ka talisa. Hadda kama xoreyn kartid oo waqti uma heysid, markii ay kuu ahaydna diyaar uma aadan ahayn.
*Ma heysid Dad tirakooban iyo awooddii dhaqaale iyo farsamo ama qalab ee aad ku fulin lahayd.
*waxyaabaha la yaabka leh ee ay dadku fahmi la’yihiin waxaa ka mid ah: Doodda aadan wali soo bandhigin, laakiin xog ogaalku ogyihiine ah inay dhaceyso doorasho aan jinsigeeda la aqoon, Lab iyo Dheddig ta ay tahay. Doorasho dadweyne oo haddana 4.5 ah.!
Madaxweyne, hal mar uun i maqal oo saaxibow CAADI ISKA DHIG oo kaligaa bal isla shawroo is weydii wax kale daaye haddii Gobolka Shabeelada hoose kaliya doorasho ka qabo lagu yiraahdo xataa ma awooddide is daji oo runta aqbal kolley waad aqbali doontaaye.
Waan kula yaabaye, Sawir gacmeedkan quruxda badan ee muujinaya iyada oo ay dadku doorasho u dareereen, safaf dhaadheerna ugu jiraan sanaadiiqda kuwa magacaagu ku qoranyahay horta yaa kuu sawiray.?
Amin Amir…sax.? .
Qore: Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero.)