Eedda iyo Fashilka ha lala qeybsado Marxuum Siyaad Barre!!!

Ka Ganacsigii Dadka (Slave Trade) waxaa sharcigii lagu mamnuucay la mariyay Baarlamaanka Ingiriiska (Slave Trade Abolition Act) sanadkii 1807. Mareykankuna sannad ka danbeeyay, inkastuu si suuqa madoow ah usii socday Ilaa 1811-ki.
Sidaas oo ay tahay, annagoo ogsoon iney aheyd Gabbood-falkii iyo Dulmigii ugu weynaa ee abid Aadane lala beegsado, hadana marmarsiimo u noqon meyso qofka madow ee hadda nool , markuu Khamri ka dhargo ee uu saqraamo ama uu nolosha ka dhacaba inuu gocdo, eedda guuldarrada noloshiisana uga gambado ama dusha ka saaro WAAYIHII MADOOBAA EE GANACSIGA DADKA.
Waayo, saameeyn kasta oo ay soo yeelatay, ama dib udhac kastoo ay ku keentay dadka madoow waxaa ka danbeeysay waayo looga gudbi karay oo uu qofka qummani noloshiisa jiho cusub oo ka baddalan tii hore uu u jeexi karayay.
Caqli-gal maaha mana arko sabab dulmi 213 sano kahor la mamnuucay uu maanta qof han iyo hiigsi leh uu silsilado bir ah uga xiri karo inuu horumar sameeyo, khalad kastoo ku dhacay awoowayaashiisna uu ka gudbo, wanaagna uu ku baddalo.
Sidaas si la’eg, maaha, aniguna ma qabo in siyaasiyiinteena ku fashilmay iney dalka iyo dadka Soomaaliyeed samatabixiyaan, markastoo ay qudbeynayaan ama Wareysiyo bixinayaan ay cudurdaar ay fashilkooda kaga gambadaan ka dhigtaan MARXUUM SIYAAD BARRE, iyadoo fursad loo heystay in wax kastoo uu khalday ama ka khaldamay dib loo saxo ku dhawaad 30 sano.
Wiilka iyo Gabadha dhashay burburkii kadib, ee Muqdisho, Hargeysa Garowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baraawe iyo Kismaayo, haddana Aabe ama Hooyo ah, ama isu diyaarinaya iney guri yagleelaan, su’aalo badan oo ku aaddan sababta ay dhallinyarada iyo dadyowga kale ee adduunka uga fursado yar yihikn ayaa maskaxdooda ka guuxaya, jawaabta ay u baahan yihiinna kuma filna oo kaliya in qabuuraha Siyaad Barre la dul geeyo maalin kasta si looga baxsado fashilka aan laga baxsan karin ee ka danbeeyay AUN Marxuum Siyaad Barre.
FG: Ujeedkeygu maaha inaan isbarbardhigayo saameeyntii waayihii Slave Trade ku yeeshay dadka madow iyo waayihi Dowladdii Mileleteriga ay ku yeesheen dadka Soomaaliyeed.
Qore:Cismaan M Qanyare(Awga)