Diyaarad Xamuul Milliteriga Maraykanka leeyihiin oo ku burburtay Garoon ku yaalla Iraq.

Afar Askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Diyaarad Xamuul oo ay leeyihiin Milliteriga Maraykanka oo xalay ku burburtay Garoon ku yaalla Saldhiga Xerada Taaj oo 17 mayl dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Baqdaad.
Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Iraq, Mayles Kagins oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa C 130 ay burburtay, kadib, markii ay ka baxday Wadadda ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan ee Garoonka.
Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi waxaa ka mid ahaa Labadii Duuliye ee Diyaaradaasi oo ay la socdeen 26 qof oo Rakaab ah iyo 7 ka tirsan shaqaalihii Diyaaraddaasi.
Dhinaca kale, Gantaal ayaa la sheegay in lagu duqeeyey meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Baqdaad.
Lama soo sheegin khasaare ka dhashay Duqeyntaasi, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi sheegeen in Gantaalkaasi laga soo ganay Gobalka Carab Xudayr ee Koonfurta magaalladda Baqdaad.
Ustaad Nuradin Abuubakar