Ciidanka Xoogga Dalka oo Bur buriyay qaraxyo lagu diyaariye Duleedka Janaale.

Muqdisho:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga taga degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose waxa ay kusoo qabteen Qaraxyo ay nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen duleedka janaale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya general C/Xamiid Dirir oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay Qaraxyo ay nabadiidka Al-shabaab ku diyaariyeen duleedka Janaale.

Janaraal C/Xamiid dirir waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Ay soo saareen Qaraxyo ay nabadiidka Al-shabaab ku aaseen wadada isku xirta Janaale iyo tuulada urunji ee gobolka shabellada Hoose

Howlgalka Qaraxyada lagu soo qabtay ayuu sheegay Janaraal C/Xamiid Dirir lagu diray Maleyshiyaad ka tirsan nabadiidka kuwaasi oo uu sheegay in tiradooda ay gaarayaan 13 dagaalame oo ka tirsan nabadiidka

Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in Howlgalka lagu bur buriyay xarun ay nabadiidka Al-shabaab ku diyaarin jireen Qaraxyada Lagu dhibaateyo Shacabka.