Ciidamada Maamulka Puntland oo is hortaagay Banaanbax lagu taageeraayay Madaxweyne Farmaajo.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa lagu waday inuu ka dhacdo Banaanbax la sheegay in la doonayay in lagu taageero Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hayeeshee is hor-istaag ayaa lagu sameeyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa is hor-istaaga ku sameeyay dad isku soo baxay oo doonayay inay sameeyaan banaanbax ay ku taageerayaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sidaas lagu joojiyay qorshaha Banaanbaxa.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in dadkii banaanbaxa dhigi rabay oo u badnaa Haween iyo dhalinyaro ay dib ugu noqdeen Guryahooda, maadaama loo sheegay in Boosaaso aan lagu qaban kari banaanbax.

Dhanka kale ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Is hor-istaag lagu sameeyo banaanbaxaas, hayeeshee waxaa xusid mudan in xiriirka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka uu yahay mid muddooyinkii dambe aan wanaagsaneyn.