KU SOCOTA SOOMAALIDA CAPE TOWN : Waa Farriin Ka Timid Gudoomiyaha Somali Community Of Western Cape Muuse Muude.

Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeed uu Gudoomiyaha soo saaray oo nalasoo gaarsiiyey ayaa u qornaa sidatan :
● Kadib markii aan Aniga oo ah Gudoomiye Muuse Muude Afrax iyo Xubno Jaaliyadda Soomaaliyeed ah la kulanay Madaxda Dowladda hoose iyo Saraakiisha Ciidanka Ammaanka ee aagga Xaafadda Halbowlaha u ah Ganacsiga Soomaalida ee Bellville, waxay inoo sheegeen inay khafiifiyeen oo ay qaadeen Askartii ku hareereysneyd Bellville, balse ay muhiim tahay inay Soomaalida Ganacsatada ah qaataan oo ay u Hogaansamaan Awaamiirta Dowladda gaar ahaan Xilliyada Shaqada.
● Ugu horeyn waa inay Soomaalida u hogaansantaa Tallooyinka Caafimaadka ee la xiriira COVID19 sida inay Xirtaan Masks, Masaafo 2m ahna kala fogaadaan.
● Cash and Carry-yada iyo Dhammaan Dukaamada waa in la furaa 8:00 Subaxnimo lana xiraa 6:00 Fiidnimo.


KHALADAADKA GANACSIGA EE DOWLADDA HOOSE NOOSOO JEEDISAY EE U BAAHAN INAAN ISKA SAXNO ⬇️
1 . Trading Hours: Waqtiga Ganacsiga iyo Shaqada ee Dowladda ama Dalkani Koonfur Afrika u dagsan Maalintii waa 9 Hours ugu badnaan iyo 45 Saac oo Isbuucii ah.
2. Xadgudubka Shaqaalaha : waxaa nalagu eedeeyaa inaan ku tumano maadaama aan 17 Hours ku qasabno inay shaqeeyaan” Labour Court
3. Waxaan ku Xadgudubnaa Caafimaadka, Ammaanka iyo Nabadgelyada Deegaanka.
• TUSAALE: Qofkii shaqeeya Saacadahaas badan ee aan kor kusoo xusnay Caafimaad ma qabi karo.
• Midka caawa 5 saac gurigiisa loo dirana amaankiisaa halis ku jira.
• Waxaan diidnay Shuruucda COVID19, sida Kala fogaanshaha bulshada, taasoo khatar caafimaad keeni karta.
4. Community Support : Ganacsatada Soomaaliyeed waa inaysan jeebkooda kaliya ka fikirin oo ay u damqadaan masuuliyad kale oo u muuqata inay dayaceen taasoo ah :
• Masaakiinta aan waxba haysan
• Naafada
• Agoonta
• Ardayda
• Garoobada Ilmaha Wata
• iyo Dadka hawlgabka ah
5 . Company Regulation-ka : waan dhinac marsan nahay
Yaa noo Shaqeeya ?
Sharci ma leeyihiin ?
Mushaar ku filan ma helaan?
Imisa Saacadood ayey Shaqeeyaan ?
Lacagta ugu yar ee Shaqaaluhu Sharciga u ogol yahay waa imisa ?.
6. Public Disturbance :
Bulshada kale ee nala deggan way nagu dhib qabaan oo dacwado xad dhaaf ah ayey naga gudbiyeen, waayo Wadadii ayaan xirnay (Durban Road)
• Maalin walba waa nala waydiiyaa jawaabna uma hayno, waxaase masuuliyadda Dowladda Hoose ee Western Cape dusha ka saaraysaa Dukaamada ku teedsan Wadada.
HALISTA DHABTA AH : –
● Wiilasha deggan Location-nada ee 9:00 Habeenimo ka soo baxaaya dukamadooda soona aadaya adeegga, waxay la kulmo karaan markay laabtaan xilli dambe halis xagga ammaankooda ah.
● Imisa wiil oo Dhallinyaro ah ayaan ku weynay ? Taas ayaa ah waxa ay Jaaliyaddu ka gubanayso, waana arrin jirta oo sax ah oo ay Boolisku leeyihiin falal dambiyeedyadaasi waxaa laga dhax abaabulaa oo laga raacaa ganacsatada gudaha Xaafadda Bellville.
● Hawshan waa mid billow ah waana sii wadi doonaa ee Walaalayaal fadlan intaysan Dowladda South Africa Tallaabo adag naga qaadin aan is dabaqabano oo aan isa saxno waan awoodnaaye
WABILLAAHI TOWFIIQ
Gud. Muuse Muude Afrax