Duqa Muqdisho “Gobolka Banaadir wuxuu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan la siiyay maamul goboleedyada dalka ka jira”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo lagu taageerayay arrimaha ku saabsan Matalaadda Muqdisho iyo maaq u sameynteeda oo maalmihii dambe si weyn looga hadal hayay dalka.

Duqa Muqdisho oo bolaal shacab ah kula hadlayay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in heerkaan uu soo gaaro qorshaha matalaada Muqdisho isaga oo tilmamaay in uu ka mahadcelinayo madaxweynaha Soomaaliya oo codsi ku aadan arrintaan hor dhigay aqalka sare.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay inaysan aheyn wax la aqbali karo in gobolka Banaadir la siiyo matalaad ka hoosaysa tan maamul gobaleedyada.

“Gobolka Banaadir wuxuu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan la siiyay maamul goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiyuhu,isaga oo intaas kusii daray in dadka Muqdisho ay ku amaananyihiin in ay wax ka raadiyaan maqaamka iyo matalaadda magaalada.