Axmed Macalin Fiqi “Waxaan ka badbaaday isku day dil oo la ila damacsanaa in la igu khaarijiyo…”

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo xalay xili dambe Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

Miino nuuca dhajiska ah ee lagu xiro Gawaarida ayuu sheegay in loo adeegsan lahaa khaarijinta lala doonayay, balse wuxuu sheegay in Hay’adaha ammaanka ay ka hor tageen iyaga oo ka duulaya xog ay heleen.

Fiqi ayaa shaaciyay in howlgalo ballaaran uu ka socdo Magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada Galmudug, ujeedka laga leeyahayna uu yahay sidii loo burburin lahaa shabakado ku howlan falal amniga iyo madaxda maamulkaas ka dhan ah sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in kolkii miinada gacanta ku dhigeen ay dabagaleen dadkii ka dambeeyay iyo meesha laga soo abaabulay.

Falkaas ayuu tilmaamay inuu fulinayay nin ganacsade ah balse la shaqeynayay Al-Shabaab una qaabilsan Gobolka Mudug lana qabtay, kadibna ka xog wareysteen waxyaabo la xiriira isku dayga dilka ah.

Magaca ninkaas waxa uu Wasiir Fiqi ku sheegay Aweys Macalin Maxamed Xasan oo la shaqeynayay Nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Faarax oo ku magac dheer (Xuseen) kana soo jeedo Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiir Fiqi ayaa shaaciyay in Maxamed Xasan uu la diriray Ciidanka Danab kuna toogteen shalay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isaga oo hubeysan waa sida uu hadalka u dhigay.

Aweys iyo Maxamed wuxuu Wasiirka Amniga Galmudug sheegay inay si wadajir ah ugu qaybgaleen dilal loo geystay dad horay loogu dilay Gobolka Mudug iyaga oo ay la fuliyeen xubno kale oo dabagal ay ku hayaan.

Wasiirka Amniga Galmudug oo waayahaan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu ku howlan yahay sameynta isbadal dhanka Amniga ah, waxaana uu wacad ku maray in ay wax ka qaban doonaan cid waliba oo ku howlan arrimahaas.