Ciidamada Dowladda oo Al-Shabab kala wareegay deegaan ka tirsan G/Bakool.

Muqdisho:-Ciidamada Xoogga dalka ee jooga gobolka Bakool gaar ahaan guutada 9-aad ayaa maanta la wareegay gacan ku heeynta deegaanka Abaal oo qayaastii 20km dhanka koofur kaga beegan Magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaal saacado qaatay oo argagaxisada Al-shabaab Al-qaacida iyo ciidamada xoogga ku dhexmaray duleedka deegaanka Abaal ayaa sababay in araxda laga jibiyo maleshiyada qooleysatada ah ee Al-shabab.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaan maanta lagula wareegey deegaankaas ayaa sheegey in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo loo geeytay maleeshiayada deegaanka laga saaray.