Xasan Mudey ”Shacabka Banaadir iyo shacabka koofur galbeed in leyska horkeeno ayaa gudoomiye looga dhigay Xil. Ibraahin Yarow…”

Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa lawadaagay shacabka kasoo kala jeeda Koofur galbeed iyo Banaadir in ay ka foojignaadaan,qorshaha qarsoon ee leyskaga hor keenayo labada shacab ee walaalaha ah sida uu sheegay Muudeey.

Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa si qota dheer uga hadlay in aan aad looga taxaddiro lana ilaaliyo midnimada labada shacab uu ku sheegay in ay yihiin dad walalo ah kana wada dhaxeysa dad iyo deegaan.

Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay qormada uu kaga hadlay sidaan ayayna u qorneyd :-

“Qorshaha socdo oo ay kusheegeen maqaam usameynta gobalka banaadir gudiga dhisan, ujeedkiisa ugu badan waxa uu yahay in shacabka Banaadir iyo shacabka Koofur galbeed ee walaalaha ah laga dhax shaqeeyo khilaafkooda ,laguna marin habaabiyo labada shacab shakhsiyaad dano iyaga ugaar ah wadta.

Ujeedka xil.Ibraahim Yarow Isaaq looga dhigay gudoomiyaha gudiga ayaa ahaa in shacab wada dhashay deegaanno badan wada dega loo qorsheeyo in ay noqdaan dad ku kala fogaada wax aysan labada shacabba aysan kawarheyn.

Waxaan lawadaagayaa dhamaan in lawada ilaashado sharafka,qadarinta walaalnimada iyo ilaalinta deegaannadeena hodonka ah, kana feejignaanaa siyaasadaha qarsoon ee laga leeyahay.

Maqaamka Muqdisho sida uu muqaddas ugu yahay reer Banaadir in ay katashadaan ayuu muqaddas noogu yahay shacabka ree koofur galbeed in aan ilaalino sharafkooda iyo walaalnimadooda soo jireenka ah.

Soomaaliya waa Federaal shacabkii iyo siyaasiyiintii ugu horreeyay ee ku taliyay in dalkaan federaaliisam lagu hagi karo waxey kasoo jeedaan deegaannada Koofurgalbeed,waa in aan taariikhda dib ugu noqonnaa ,faham badanna ka qaadanaa cidda diiddan Maqaamka Muqdisho ee aan xaqqa u leennahay .

Mudey
Mahadsanidiin !
Hassan Abdulkhader Mudey