Taliyaha CXDS oo Baladweyne ka bilaabay abaabulka Duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Gen. Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ciidan oo la socoto waxa ay xalay gaareen Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii ay kasoo safreen Magaalada Dhuusamareeb.

Socdaalka Taliyaha iyo xubnaha la socda waxaa lagu sheegay in ay bilaabaan abaabul ka dhan ah Al-Shabaab oo go’doon geliyay Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo ay adag tahay in gaadiidka isaga kala gudbaan.

Saraakiil katirsan taliska qaybta 27-aad ee ka howlgala deegaannada Hir-Shabeelle ayaa soo dhaweeyay taliyaha oo dejiyay saldhig ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne si ay isaga xog-wareystaan qorshaha dhanka Ciidanka.

Deegaannada Galmudug waxaa Taliye Odowaa la tagay saraakiil katirsan Taliska qaybta 27-aad, iyaga oo qayb ka ahaa kulankii looga arrinsanayay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan talisyada 21-aad iyo 27-aad ee Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo ood-wadaag ah ka howlgala.

Odowaa ayaa hoggaaminayay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo uu waayahaan ka waday deegaanno dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, degmooyin katirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayuu horay u tagay.

Socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga uu ku tagay Magaalada Baladweyne ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.