Fanaanki Weynaa Cabdi Tahliil Warsame oo ku Geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii dambe aad u xanuunsanayay.

Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame ayaa la sheegay in uu soo darsaday xanuunkiisa labadii habeen ee lasoo dhaafay isla markaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho oo uu ku geeriyooday.

Alle ha u Naxariistee Cabdi Tahliil Warsame ayaa muddo sanada ah ku xanuunsayay Muqdisho iyada oo aysan jirin gurmad caafimaad oo ay u sameysay dowladda Soomaaliya maadaama uu deganaa EX Fiyoore oo kaabiga ku haya madaxtooyada Soomaaliya.

Fanaan Cabdi Tahliil Alle ha u naxariistee wuxuu ku luuqeeyay Heeso fara badan oo isugu jira kuwo Jaceel iyo kuwo Wadani intaba, waxaana Heesahaasi ka mid ah:

Heesihii uu ku luuqeeyay waxaa kamid ah:

Heesta Onkod

Heesta Howlahaadii

Heesta Waayaha

Heesta Gobanimodoon.

Heesta Casar

Heesta Sida Faras Bulaalo

Heesta Jacayl Aayatiin Leh.

Heesta Gaaraa bidhaan.

Heesta Waan dhaliilay xafiisyada.

Heesta waa Dhigneenee.

Heesta Xubnayahoow Guntadee.

Heesta Dadka Soo Raac

Alle Ha u naxariistee Fanaan Cabdi Tahliil Warsame wuxuu ahaan doonaa mid aysan ka go’in Quluubta dadka Soomaaliyeed, Maamulka Websetka Somaliweyn wuxuu Alle uga baryaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Aamiin.