Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil Warsame.

Muqdisho:-war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay allah u naxariistee geeridii ku timid allah ha naxariistee fannaan Cabdi Tahliil warsame oo ku xunuunsanaa Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee fannaanka ayaa muddo 18 sano ah la ildarnaa xanuun sida ay xaqiijiyeen eheladiisa,wuxuuna  ugu dambeyn xalay ku geeriyooday  Cisbitaal ku yaala muqdisho.