Madaxweyne Qoor qoor oo QM uga warbixiyay saamayta Covid-19 ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray ka hortaga xanuunka Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho ee deegaanada Maamulka Galmudug iyo doorka ay ka qaadan karaan hay’adaha Qaramada Midoobay ka qaadankaraan ladagaalanka Xanuunka.

“Shir heerkiisu sareeyo uuna guddoominayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaan la yeelanay madaxda heyadaha UN ta, dhanka dowladda Galmudug waxaa uga qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wasiirka qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga Mudane Abdinasir Gelle Elmi iyo wasiiru dowlaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada Mudane Axmed Mire Cali Faafaale”.

Dhanka Qaramada Midoobay waxaa kulanka ka qayb qaatay Adam Abdelmoula, Isku duwaha Horumarinta UN-ka, iyo Arrimaha Gargaarka ee u qaabilsan Soomaaliya, ahna ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada midoobey Soomaaliya.

Sidii kale waxaa ka qayb qaatay kulanka oo ahaa dhanka internet-ka Saraakiil ka socotay OCHA, WHO, WFP iyo FAO waxaana diiradda lagu saaray Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale, waxbarasho, iyo amni ee deegaanada Maamulka Galmudug.

Deegaanada Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga soo soo wariyay kiisas badan oo la xariira Xanuunka Safmareenka ah ee Coronavirus.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa xanuunka qaaday in kabadan 2,146-sida ku cad xogta wasaarada Caafimaadka, waxaa ka soo kabatay xanuunka 406 iyo dhimashada hada tahay 79 guud ahaan dalka.