Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Balcad.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Goboolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu saakay dhacay iskahorimaad hubeysan bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed ee degmadaasi.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saakay weerar ku qaadeen barta koontarool iyadoo dagaal xooggan uu ku dhex maray Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa barta koontarool.

Lama oga qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayay balse rasaastii la isu adeegsaday dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo carruur ah oo isku qoys ah kadib markii rasaas habow ah ugu tagtay gurigooda.

Labadan carruur ayaa la sheegay in mid ka mid ah oo labo bilood ayuu jir ah xabad ugaga dhacday madaxa waxaana dhaawaca carruurta loo qaaday isbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho.

Weerarkan ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Balcad ku sugan yihiin guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kuwaasoo baaraya dil loogu geystey deegaanka Gololey shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarunta caafimaadka ee hay’ada Zamzam ku lahayd deegaanka Gololey.

Dhanka kale Al-Shabaab iyo ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya wali kama hadlin dagaalka iyo hadii uu qasaare kala gaaray labada dhinac.