Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo u kuurgalay kaalinta warbaahinta ay ka qaadaneyso wacyi-galinta xanuunka Covid-19.

Muqisho:-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad gobaleedka Galmudug Axmed shire Falagle oo ay wehliyeen howlwadeeno Ka tirsan wasaaradda ayaa kormeeray qaar Ka mid ah xarumaha warbaahinta ka howl gasha magaalada Gaalkacyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa u kuur galida howlaha warbaahineed iyo kaalinta ay xiligaan ay ka qaadaneyso wacyi galinada la xariira xanuunka karoona fayris ayaa intii uu wasiirku ku guda jiray waxa uu warbixino ka dhageystay qaar kamid ah Agaasimayaasha iyo howl wadeenada idaacadaha uu booqday kuwaas oo sheegay in ay wadaan barnaamijyo la xariira ka hortagga iyo faafitaanka Covid -19.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle ayaa boggaadiyay howlaha shaqo ay bulshada u hayaan warbaahinta Gobalka, gaar ahaan kaalinta xilligaan ay ka qaadanayaan wacyi galinta bulshada iyo xoojinta nidaamka dowladnimo ee dalka.