Wasiirka Amniga Galmudug oo Digniin u jeediyay Ganacsatada lacagaha siiya Al-Shabaab

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa ka warbixiyay xaaladda amni ee deegaanada maamulka Galmudug iyo qorshayaasha socda ee amniga lagu sugayo.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in ay jiraan qorshayaal badan iyo dadaal lagu hormarinayo Amniga si Galmudug nabadgelyadeeda loogu kalsoonaado.

Wasiirka Amniga Galmudug waxa uu digniin adag u diray Ganacsatada lacagaha siiya Alshabaab oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan qof kasta oo lagu helo in ay lagacago siiso Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii ayuu shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen shaciga la dagaalanka argagixisada loo gudbin doono baarlamaanka Galmudug.