Tahriibayaal Soomaali ah oo Ciidamada Masar ka soo xireen Xadka ay la wadaagaan Dalka Liibiya.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa ilaalada xuduudaha Masar ayaa howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dhalinyaro Soomaali ah oo doonayay inay ka tallaabaan soohdinta dalkaas uu la wadaago Liibiya si ay kaga sii tahriibaan.

Warbaahinta Gudaha Masar ayaa xogta dadkaan ku sheegtay in laga war helay, ciidamada ammaankana ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayeen kahor inta aysan ku dhaqaaqin damacooda Tahriibka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada kooxdaan Dhalinyarada Somaalida ah ee lagu qabtay iyaga oo isku dayay in ay ka gudbaan Xuduudda Jamhuuriyadda Carabta Masar ay la wadaagto Liibiya oo ah marinta Tahriibayaasha oo ay dhibaatooyin badan kula kulmaan.

Tirada dadkaan waxa ay u dhaxeysaa labaatan ilaa toban ruux, waxaana lagu hayaa xarun ay leeyihiin Ciidamada Booliiska Dowladda Masar halkaas oo lagu haynayo inta laga helayo dadka u fududeeyay isku daygooda.

Masar ayaa dagaal adag kula jirta wax ka qabashada Tahriibka oo mar xeebaheeda ka bixi jireen doomaha ugu badan, halkaas waxaa la geeyay Ciidamo booliis ah oo la socda dhaq-dhaqaaqyada dadka.

Sharciga Dowladda waa inay kala saarto dadka falalka ceynkaan oo kale ay ku qabto, wixii sharci heysta waa ay sii deysaa muddo kooban kadib iyada oo dhaq-dhaqaaqyadiisa lala soconayo, halka kuwa aan heysan dal ku joogga ama uu ka dhacay dib ugu celiso dalalkooda.

Maxamed Aadan oo ka mid ah Soomaalida ku nool Masar oo la hadlay VOA-da waxa uu sheegay in dadkaan oo dhamaantood Rag ah lagu hayo Saldhig ciidan oo ku yaalla Gobolka Aswaan ee dalka Masar.

Dhanka kale Liibiya waa marinka tahriibka dhalinayrada dooneysa inay tagaan Dalalka Yurub, lacago madax furasho ah waxaa ka qaata kooxaha loogu yeero Magafayaasha kadib marka la jir dilo, lagana duubo muuqaalo ay ehelkooda ugu dalbanayaan inay bixiyaan lacagta laga doonayo.