Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Xarunta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan Saacad.

Dadka ku nool degmadaas ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Buurdhuubo iyo Al-Shabaab, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaraha kala gaaray labada dhinac.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Xarunta ay weerareen ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo,isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo kala duwan.