Somaliland iyo Puntland oo ciidamadooda Heegan geliyay iyo cabsi laga qabo inay ku dagalamaan aaga Tukaraq.

Xiisad colaadeed ayaa maanta ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii maalmihii u dambeeyay deegaankaas ay Somaliland ku soo daabushay ciidamo dheerad ah.

Somaliland ayaa gaadiid hubaysan soo dhoobay jiida u dhexaysa labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland ee aagga Tukaraq, waxaana maalmihii u dambayey ay ciidamada Somaliland aagaas ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ka duwan kuwii hore, inkastoo aan weli la ogaan ujeedkooda, saraakiishuna aysan ka warbixin.

Waxaydadka ku nool deegaanka Tukaraq soo sheegayaan in Somaliland ay gaadiid iyo ciidamo aad hubaysan deegaanaka ka soo gelisay dhanka talis ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin Gooja cadde.

Dhanka kale deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool muddo sanado ah waxaa isku hor fadhiyey ciidamo aad u hubeysan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland, waxaana deegankaas sanad ka hor ku dhex maray dagaallo uu dhiig badani ku daatay.