Mustaqbalka Maqaamka Muqdisho ma wuxuu ku xiran yahay baarlamaanka?

Guddiga isku dhafka ah ee loo xil saaray dhammeystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa warbixintii ay soo diyaarinayeen u gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay inay diiradda saareen afar qodob oo kala ah; astaynta kuraasta, qoondada haweenka, matalaadda gobolka banaadir iyo sida loo dooranayo kuraasta gobollada waqooyi.Arrimahan ayaa ahaa kuwo ay doodo badan ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maqaamka Muqdisho wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, oo ah gudoomiyaha guddiga wadajirka ah ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ee diyaarinayay xeerarka dhameystirka doorashooyinka qaranka ayaa BBC Somali uga warramay warbixinta ay baarlamaanka u gudbiyeen.

Wuxuu sheegay in qodobka maqaamka gobolka Banaadir uu ku jiro waxyaabaha ay diyaariyeen ee baarlamaanka la hor geynayo.

Hadalkiisa ayuu kusoo gaabiyay: “Aqalka sare ayaa jiro oo maamulladii oo dhan matalaya, gobolka banaadirna maamul buu leeyahay, caasimaddiina way ku taallaa, dadka kasoo jeeda deegaankaas – oo umadda Soomaaliyeed oo dhan ka koobanna – dadaal badan bay wadeen, baaqyo badan bay soo jeediyeen, oo ay leeyihiin xuquuq baan leenahay, waana in goleyaashii nalagu matalo, waxaana u baahan nahay in baaqeenna laga jawaabo. marka taas bay ku saabsaneyd inuu baarlamaanka go’aan ku gaaro, cid gaar ahna waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaasina waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hor tagi doona ee uu xal ka gaari doono.”

.

Tallaabada ay guddigan qaadeen ayaa horseedeysa in Baarlamaanka uu fursad u helo doodda la xiriirta qodobbada lasoo diyaariyay.

Dastuurka muxuu ka qabaa?

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaliya waxaa ku xusan in labo gobol iyo in ka badan ay sameysan karaan maamul Goboleed, xeerkaasna waxaa la waafajiyay dhammaan shanta maamul goboleed ee ay ka kooban tahay dowladda federaalka.

Cutubka koobaad, qodobkiisa 9-aad ee dastuurka qabyo qoralka ah ee Soomaliya wuxuu dhigayaa in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya.

Qodobkan ayaa lagu yiri: “Maqaamka Magaalo-madaxda Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dambe ee dastuurka. Waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya.”

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo bishii February ka hadlayay xiritaankii kalfadhigii 6-aad ee baarlamaanka ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu xal u heli doonno muranka ku saabsan Maqaamka Muqdisho.

Mursal ayaa ku adkeystay in Baarlamaanka tobanaan uu ku khasban yahay dhammeytirka dastuurka qabyo qoraalka ah, si loo xaqiijiyo maqaamka Muqdisho.

“Waxaan sheegnay in ku meel gaarkii laga gudbay oo dowlad rasmi ah loo gudbay, waxaad moodaa, dowladdii way kasoo gudubtay laakiin dastuurkii wali ku meel gaar ayuu ku jiraa. Baarlamaankii 9-aad wuxuu kusoo wareejiyay baarlamaankan 10-aad. Muddada xil-heynta baarlamaankan 10-aad waxay ku egtahay sannadkan, marka kal fadhiga 7-aad arrinta noogu muhiimsan waa dastuurka. Sidoo kale hay’adda fulinta waxay ku mashquulsan tahay in ay si deg deg ah noo soo gaarsiiyaan golihii adeegga garsoorka oo muhiim u ah garsoorka,” ayuu iri guddoomiye Mursal.

.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh
Wuxuu intaas ku daray in Maqaamka muqdisho uu qeyb ka noqon doono go’aanka lag gaarayo dastuurka.

“Dastuurka qodobkiisa 9-aad wuxuu xusay in Muqdisho ay tahay caasimaddii dalka maqaamkeedana lagu caddeyn doono dib u eegista dastuurka, sidaas darteed labada aqal ayaa kasoo saari doona go’aan wadajir ah.”

Khilaafka siyaasadeed ee Maqaamka Muqdisho

Inkastoo mowqifka dowladda federaalka ee Soomaaliya uusan caddeyn, haddana siyaasiyiinta reer Muqdisho ayaa isku khilaafsan arrinta ku saabsan matalaadda gobolka Banaadir, ama Maqaamka Muqdisho.

Waxaa jiro kuwa badan oo aaminsan in Banaadir ay noqoto maamul goboleed, halka kuwo kalena ay kasoo horjeedaan.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaadday inay dalka ka hirgalin doonto doorasho qof iyo cod ah, taasoo wali aan laga rajo dhigin.

Laakiin siyaasiyiinta qaar ayaa ku doodaya in haddii arrinta awood qeybsiga ay wali taagnaato nidaamka 4.5 aysan suurtagal noqon karin ay dhacdo doorasho xor ah oo ku dhisan qof iyo cod.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo qoondeynta kuraasta.

“Haddii ay doorasho qof iyo cod ah dhaceyso waa la yaqaannaa nidaamka loo maro, Soomaaliyana way leedahay taariikh doorasho. Laakiin haddii aan waddadaas la raaceynin hallagu socdo nidaamkii xaal mastuurka ahaa ee adeegsiga 4-5, balse ma aha in guddi ay go’aamiyaan tirada kuraasta xildhibaannada,” ayuu yiri.

Ahmed Moallim Fiqi, oo xubin ka ah baarlamaanka federaalka ayaa isagana boggiisa facebook kusoo qoray: “Gobolka Banaadir & 4.5 yaa u kala garsooraya ! Ma gobolka Banaadir ayaa 7 senator la siiyey mise 4.5!”

Dhanka kale, sidaayinyiinta qaarkoodna waxay ku doodayaan in Gobolka Banaadir uu noqdo ismaamul ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya.

Dadka sidaas qaba waxaa ka mid ah Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya, Maxamed Cali Ameeriko.

Wali isma baddalin mowqifkiisa oo uu ku caddeeyay wareysi uu sanadkii hore siiyay BBC-da.

“Xukuumadda waxaan ugu baaqnay in ay arrinta ku saabsan Maqaamka muqdisho si degdeg ah u geeyaan barlmaanka, lana ansixiyo. Waxaa kaloon ugu baaqnay in dadkaasi Soomaliyeed ee ku nool magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ay yihiin muwaadiniin xaq u leh in ay xuquuqdooda helaan”, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xuquuq dastuuri ah ay tahay in gobolka Banaadir uu ka mid noqdo dowlad goboleedyada.