Maamulka Somaliland wasiiro ka tirsan oo laga helay Cudurka Covid 19.

Laba Wasiir oo ka mid ah Golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga helay cudurka COVID-19 sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Waxaa jira wasiirro kale oo laga baaray Corona Virus balse laga waayay, iyadoo Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Covid19.

Bartiisa Twitterka qoraal uu soo dhiggay ayuu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad fiican tahay.

Dhanka kale Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u sameeyay Cudurka Covid 19.