Ma qalad siyaasadeed mise Doqonnimo siyaasadeed.

Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh

Wax waa ku dhesheenee Raali noqda
Mar labaad warkeeda ma jirtee.

Ma qalad siyaasadeed mise Doqonnimo siyaasadeed ayee ka aheed qaabka siyassadeed ay 8da sano iyo googa’a u adeegsadeen hogaaninta iyo mareynta G.Banaadir.

Maanta xaaladda Gobolka Banaadir meesha uu taagan yahay cid moog ma jirto, gudo iyo dibadba, dhinac kasta haddii laga fiiriyo
heerkii ugu xumaa ayuu taagan yahay,
dhinaca siyaasadeed, midda Bulshadeed, midda Dhaqaaled, midda Amniyeed.
In ay kasii dareen ee bohol ku rideen kuwa hadda Maamulo Qaranka isweydiis malaha, hase ahaatee jahadii hogaankii hore cabiray ayaa qaldanaa.

Banaadir Mogadishu

Maxaa qaldanaa oo maxay qaldeen, haddii ay wax qaldeen maxay u saxi waayeen,
Ma qalad Siyaasadeed mise Doqonimo siyaasadeed ayee ka ahayd in Dastuur aan daraasad lagu samayn la saxiixay,
MaamulGoboleedyo aan laga fiirsan la jacburiyay iyadoo aan marna la tixgelinin danaha iyo mustaqbalka Shacabka iyo Qowmiyadda degta G.Banaadir laakiin laga
hor mariyay dana gaar ee shaqsiyeed.
Miraha laga dhaxlay 8daa sano iyo googa’a maanta ayaa la guranayaa, waa tan miiska Baarlabaanka saaran iyo ooyinta dhinac kasta laga maqlaya.

Dott Abukar

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn