Kuye: Aflegaaddada naga dhaaf. Haddana waxa uusii daba dhigay :
Cabashiyo caloolyoow
Ciil kaama bi’iyaan
Talo cayn wareegtana
La iskuma canaantee!.
Waxaan filaa in uu ka soo bowsaday Heestii AUN Maxamed Suleymaan ee ”Caloolyoow”.
Maya, ma asigaaba bowsi wax ka og. Malaha mid la joogaa dhegta ugu sheegay. War innagaa yaabaragnay… Haa, laakiin dhagahiisu wax ma maqlaanhorta?. Iiga jawaab bal adigaaga kale ee xaggaas sooindha waaweyn.
Isna, kuye ”Ruux qarwaaya uma jawaabo.
Yaah, Maxaad i tiri?
Weligeey intaan jiray, ma arag ruux soo jeedo ooRiyooda, intaas ayuu iigu jawaabay.
Ar, kanina hal wax og ma ahan, waa uun ”Ismadhaantadii la sheegi jiray”. Sug-sug…Bal horta aanMuraayadda hor-tago oo aan is eego inta aan la i eegin. Waa su’aale yaa horta waalan ”Keli misewadar”? ”Kaligaa waalo wareer waaye”, xaa kuxigay hee? Maya-maya, taasi mahaan ma qabato. Aaway Raxmadii? Ma ogi zebenkaan, ma arag waxisu naxaayo oo haddana isu turaayo..Derejo iyaduwarkeed ha sheegin.
Waxaan maqli jiray ”God sireed ha qodin” hadda waadhab kii qoday isaga ayay heeysataa…
Maxaad ka hadlee? kuye . ma mooddaa in uu ila socdo. I dhugo adiga iyo kuwa meelaha ka dhawba ” Ma ku qoslaa mise waa ku digtaa? Maya, waxa horela ii baray ”Haddaan la kala roonaan roob ma da’o”. Haa, laakiin soowtii iyana la dhihi jiray ”Nimaanaarsan Caloosha hooyadiis ayuu ku jiraa”…Maya, ka joog ”Sabarku waa sed”.
Yaa ila socdo? Yaase iga haray? Kolleey waa hubaain badani igu wareertay..Haa laakiin maxaa la iiguwareeray? .
Qofkii dani ka heyso in uu si qumman ii fahmo dibha u jalleeco ”Gaso,Ganuun iyo Gasiin”.
Mid aan filaayo in uu Deyr dhashay ayaa la soobooday ”Soowdigaan nagala baxayba waxii aan kushililiqoomaynay?
Ma anigaa geliyay shililiqoonka? Soow kan xaalkoodu dhaafi la ”Ila meereyso” iyo wax jaan.
Waxaan arkaa tiro aan badneyn oo aad u daneynayodooddeyda, kuwaasoow: si fiican ii dhugta, Haddaadan aragna bal goob ”Gaso”, si fiican ayaanisula jaanqaadeynaa muggaas.
Ma hubtaa middaas? Ayuu yiri mid ka mid ah iyaga. Haahe Google garee, meela laga helana ka goob… Minii aad weyso i soo warso!!.
Waxaan maqlaa Guuguule ciyaya ee idinku ma ila maqashiin? Maxaa cillan oow xilligaan la ciyaa?
Maya ee ar ameey tahay xilligii Ismaaciil mire AUN uu lahaa;
Guuguulihiyoow Haddaad gu’ u ooyeyso
Haddaad moodday kaligaa inuu gubayo jiilaalku
Abaar gaad ma reebtaa dhacdoo gaatamoo kale e
Gartaa maahan in aad gaar u cabataaye
Bal gaabso oo aamus yaan gaar lagaa qaban!.
Kolleey, mid uun baan hubaa…Haa, xilligu xilligiimaahan!! Xilli miyaa xilli doorsho..Horta, maxaan u illoowaa in taariikhdu ay isa soo celiso. Haahe, soowmaahan horta, in aad aqriso..Haddana taariikhdu waatagto ee iyadu timaado maahan. Aan is qabto bal ”Ma anigaa macallin taariikh ah”..Muhiim ma ahanmiddaas, waa in aad waajibka ku saaran gudataa.
Yaab iyo yaab ”Yaa i saaray midka aan kuwasaaarneyn”? Taasi, waxa ay imaanee kolka aan waxwada garanno. Ha is dhihin ”kuma dhihin anaa kaagaraad fiican”, midse waa sax…Waa tee? Ma ogi, waxa aanse ogahay ayaa ah in middaasi mustaxiiltahay!.
Soowtii Hadraawi lahaa:
Garashada ruuxa sed u gaara weeyaan
(ka dhex goob Maansadii Sirta nolosha)
Kuye ”Waxaas waa madax daalis e, adigu inteed kudhalatay”? Waadba na wareerisee!
Ma helo, halka aan ku dhashay, goorba waxaanogaan doonaa marka aad ogaato halka aad kudhimaneyso!!. Markii aad middaas hesho i sooweydii Su’aashaas.
La soco Q.xigta
Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com