Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo xal laga gaaray.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo mudooyimkii dambe Khilaaf xoogan u dhexeeyay ayaa maanta lagu heshiisiiyay magaaladda Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Kulanka lagu heshiisiiyay oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa fadhiyay Waxgaradka iyo isimada Maamulka Puntland Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Puntalnd Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaasha oo mudooyinkii dambe iska haayay arimaha Masiiriga ah ee Maamulkaasi.

“Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan waxa ay ugu yareen cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Maamulka Puntland Puntland.

Odoyaasha dhaqanka Puntland ayaa mar kasta ah hay’adda ugu sareysa ee u taagan xallinta khilaafyada caynkaan oo kale ah, waxayna horey xal uga gaareen khilaafyo dhexmaray madaxda Puntland oo isku haayay arimaha siyaasada.