66 kiis Corona virus ah oo Soomaaliya maanta laga diiwaan galiyay.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 2-kd June sanadkaan 2020 soo saartay Warbixinta Maalinta ee COVID 19 ee Soomaaliya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Tirada guud ahaan maanta Fayriska Corona laga helay 66 qof oo ku kala sugan Gobolka Banaadir, Somaliland, Jubbaland iyo Puntland.

Warbixinta wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in 19 qof bogsatay, nasiib wanaagse ma jirto wax dhimasho ah oo maanta wasaarada Caafimaadka Soomaaliya soo warisay.

Guud ahaan Soomaaliya xanuunka waxaa qaaday 2,089 ,waxaa ka soo Bogsashada 380 qof, halka ay xanuunka ugu dhinteen gudaha dalka 79 ruux sida ku cad xogta wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Halkaan ka aqri xogta wasaarada.

02 June 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

Laga Helay: 66

Benadir: 33
Somaliland: 26
Puntland: 7
Lab: 42
Dhedig: 24
Bogsasho: 19
Dhimasho: 0

——————————–

Tirada Guud Laga Helay: 2,089
Bogsashada Guud: 380
Dhimashada Guud: 79.

Marka laga soot ago Soomaaliya guud ahaan caalamka In ka badan 6.27 milyan oo kiis oo cudurka coronavirus ah ayaa laga xaqiijiyey, sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 375,500 oo qof ayaa ku dhintay, oo ay ku jiraan in kabadan 105,000 oo Mareykanka ah. Ugu yaraan 2.7 milyan ayaa ka soo kabsaday cudurka.