Taliye Odawaa oo ka hadlay xasuuqii loo gaystay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacay Gololey.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay falkii lagu xasuuqay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in dadkaas la laayey aysan wax lug ah ku laheyn ciidanka xoogga dalka, oo haatan eedeynta ugu badan loo jeedinayo, in kastoo ay socdaan baaritaano la xariira sababtii loo dilay iyo cidii dishay dadkaas.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga ayaa Cadaado xalay ka sheegay in taliska militeriga Soomaaliya uu wado baaritaan iyo hawlgal ku aadan dhacdadaas, dibna ay ka shaacin doonaan wixii kasoo baxa baaritaanada socda.

Dhanka kale xubno ka kala tirsan dowladda federaalka, maamulka HirShabeelle, odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin kale ayaa gaaray deegaanka Gololey oo falkaasi uu ka dhacay 28-kii bishan, waxaana halkaas ka socda baaritano ku aadan sababtii loo dilay iyo qoladii dishay dadkaas.