DALKAY NABAD KU SOO DABAALEEN DAYNTII DALKA WAA KA SAAREEN DOORASHAY INOO DIYAARIYEEN 2021


Waxaa shacabka soomaaliyeed,uu soomaray taariikh madaw oo aad u xanuun badan,mudo 27 sanadood ah ay ku jireen.Dhibkaa oo ku dhacay kadib markay waayeen meeshana ay kabaxday,dawladii dhexe ee soomaaliyeed ee ilaalinaysay,diinta,dadka iyo dalka soomaaliyeed 1991 dii. waxaana jirta qaaciido guud oo aduunyadu isku raacsan tahay oo  ah qaran jiraa haduu waayo oo lumiyo sababkastaaba hakeentee sharciga iyo nidaamka iyo kala danbaynta dawladnimo,oo qarankaasi kusoo dhaco waxa loo yaqaanMAQNAANSHO DAWLADNIMO,in kolkaa shacabkaasi marayaan ciqaab aduun tan uugu xun oo haleesha basharka dunida guud keeda. lagama sheekayn karo waxa gaaray diinteenii iyo dadkeenii iyo dalkeenii mudadaas aadka u dheer maqaalkan kooban.
Waxaa fursad helay,oo inoo soo hormaray,danaystihii,doqonkii,shisheeye kalkaalkii,maan laawihii,tuugii,maangaabkii,kii dal iska dhaaf uu hogaamiyee aan waxar la jirkeed lagu aamini jirin, mid masuulijadu waxay tahayba aan garan karayn,mid diintii iibsanaaya,mid dalka iibsanaaya,mid dadka iibsanaaya. intan oo ah kuwo ka faa iidaystay dawlad la aanta dalkeena soomaaliya ayaa ku xirmay qawlaysato iyo shirkado maafiya ah oo heer caalami ah,iyo dawlado cadaw u ah soomaaliya in ay lashaqaystaan si soomaaliya aysan dib danbe unoqon dad iyo daljira oo dawlad ah.
Inagoo soomaaliyeey ku jira xaladaa foosha xun,ayaa illaahay inoo furay naxariistiisa FARAJ khayr qaba oo wuxuu inoo dhaliyay oo majaraha dalkeenii qabtay Madax kabadalan kuwii hore,oo inoo ilaaliyay Diintii iyo Dadkii iyo Dalkiiba. 8.2.2017 ayaa rabbi inoo dooray Madaxweyne Muxamed Cabdullahi Farmaajo, illaah haynoo dhawree Madaxweyne Muxamed 27 kii sanadood ee dalkeenu ku jiray dagaalada sokeeye sida madaxdii ka horaysay ma ahayn dagaal ooge iyo qabqablayaashii dhiiga faraha kula jiray. balse waxa uu ahaa nin dhal magaalo ah,reer wadaniyiin ah ama qays wadiniyiin ahna kasoo jeeda,mutacalim ah oo leh aqoon sare oo jamacadeed,kubeeray oo illaahay u dhaliyay damiir wanaagsan oo soomaalinimo iyo wadaniyad ay kabuuxdo.
 waa madaxweyne dhab ahaan leh khibrad maamul dawladnimo oo qodo dheer waana khabiir ku xeel dheer maamulka iyo dawlad wanaaga. waa nin hadal yar laakiin hawlbadan oo in yar uun seexda inta kalana u shaqeeya dalkiisa waana mida laga rabo madaxweyne kasta. waa nin ay u simantahay soomaali oo ka dheer qabyaalada dilootay soomaaliya.
waa nin leh aragti fog oo ah sidii ay soomaaliya dhibka uga bixi lahayd qofkastoo soomaaliyeed aayaha dhaw iyo kan fogba uu ku helilahaa Nabad iyo Nolol.Kama sii sheekayn karo hada sifaha madaxweyne Farmaajo oo waxaad dheehataa oo aad fiirisaa mudada yaroo oo uu hada hayay xilka wanagaa iyo hormarka muuqda ee dalkeenu gaaray taasaa kuu cadaynaysa qofka uu yahay FARMAAJO. xataa hadaan isku dayno suura galmaha in aan inkiro oo xaqiro wanaagaa muuqda ee soomaaliya ay gaartay mudo aad u yar gudaheeda, maxaayeelay wixii baa cad oo ina horyaal oo muuqda oo shacabka soomaaliyeed oo dhan iyo aduunwaynuhuba u wada jeedaan oo arkaan,shamso soo daahirtay sacabo laguma qarinkaro!
Waxkastoo xumaan ah oo dadkeena iyo dalkeena soomaaray,maanta wanaag bay isu badaleen maxaakeenay weeye suaashu? waxkale maha illaahay baa inoo dooray madaxwanaagsan oo dalkeena u ah daacad oo wadaniyiin ah. waxaa yaab ah oo cajaa ibnoqotay in madaxda dalkeenu ay dhanka wadaniyada iyo soomaalinimada isku dhaarsadeen oo ay yihiin ul iyo diirkeed,midkaad fiirisanaa kankale waa ka daran yahay dhanka wadaniyada,bal eeg raysal wasaare khayre waa wadani,bal eeg kuxigeenkiisa Mahdi waa wadni,bal eeg Gudoomiye aqalka sare Maxamed cabdi xaashi waa wadani,bal eeg Gudoomiye Golaha shacabka waa wadni,waana rag madaxtooyo iyo xukuumad iyo labada aqalba isku duuban oo sidii dawlad wanaag lagu yaqiin hal ah oo difaacaya dawaladnimada soomaaliya dalka iyo diinta iyo dadkaba.
Ma oranayno madaxda sare oo dalka kaligoodbaa waxaan oo dhan oo hormar ah sameeyay,waxaan leenahay waa isku duubnida madaxda dhexdooda iyo shacabka soomaaliyeed oo iskaa shanaaya ayaa keenay hormarkaan, iyo guushaan soomaaliya gaartay maanta.Dalna wuxuu hormaraa marka shacabku uu garabtaagan yahay dawladiisa oo laysku duuban yahay sidaa Dawlada  Runwanda oo hada samaysanaysa dalkooda dayaxgacmeed. waxaa xusid mudan in kuwa quudaraynaaya,dalkeena in ay mansab sare ka qabtaan oo sheegta mucaarad ayaanu nahay iyo xisbiyo siyaasadeed,in ay dawlada hada jirta iyo  shacabka soomaaliyeed indhahooda hortooda ay lasoo taagan yihiin,waa maxay madaxweynahan iyo raysal wasaarahan aan is khilaafayn ee had iyo jeer wada jiraa!!?  waa maxay golahan wasiirada aan is khilaafayn ee wada shaqaynaaya? waa maxay akhyaarta iyo odayada labda aqal ee isku duuban ee aan lahayn khilaaf iyo is qabqabsi dibad yaal ah? waa maxay madaxweynaha iyo labada aqal iyo xukuumadan isku duuban oo aan lahayn dagaal iyo is qabqabsi? macanaha waxay rabaan waxay ahaan jireen iyo sidoodii is qabqabsi iyo shisheeye loo adeego oo lakala raaco! sidaa ayay u yaqaa naan dawladnimada!!! Hadaan u sii fiirsaday nimankaan waxayba ku sifaysan yihiin calaamadihii shaydaanka lagu yaqiin,maxaayeelay shaydaankaa kaxumadaa wadda jirka dadka islaamka ah oo taa badalkeeda wuxuu ku farxaa kana shaqeeyaa dadkoo ama madaxda oo is khilaafa oo dagaalama! tanay ku suntan yihiin hada iyagu.lacag kasta oo kenya iyo emaraadku ku bixiyeen,sikastoo kuwan sheegta mucaaradka loo maal galiyay way ku fashilmeen inay kala dhex galaan oo kala furfuraan madaxda sare ee dalkeena,waxaana keenaaya aqoonta iyo wadaniyada iyo daacadnimada,wada shaqaynta madaxda dawladeena oo kahoreeya kenya iyo e-maraadkaa iyo kuway ku shaqyastaanba. shacabka soomaaliyeedna gaadhbuu ka hayaa cadawga dawladiisa waana baraarugsanyahay  si dhawna waa ula socdaan  dhaqdhaqaaqa kuwa sheegta mucaaradka oo uu hayo xanuunka aan uugu yeerayMACALUUL SIYAASADEED!
GUNAANADKII
Dawlada soomaaliyeed dalka waxay kusoo dabaashay markaynu meel iska dhigno xiqdiga iyo xasadka iyo u quuriwaaga,hormar aad uwayn iyo isbadal dhab ah oo laga gaaray xaalada amaanka caasimada dalkeena MOGDISHO oo hada ka amaanbadan caasimadaha aduunka qaarbadan oo ku yaal afrika iyo wadamada reer galbeedkaba oo dilal badan ka dhacaan. waxaa meesha kabaxay dilalkii qorshaysnaa,ee dadka lagu dili jiray waxkalaba daayoo masaajida dhexdeeda ama iridkoodaba,waxaa la xakameeyay qaraxyadii baararka iyo hoteelada lala beegsan jiray,dadka soomaaliyeed ee MOGDISHO dagan waxay heleen amaan si nabad ah ayay caruurtooduna wax uugu bartaan,iskooka u aadaan ugana soo noqdaan iyagoon cabsi qabin sidii hore oo kale.
Xaga amaanka wax wayn ayaa laga qabtay,kadib markii la dhisay ciidan qaran oo xoogleh,oo ka kooban soomaali isku dhaf ah oo aan ahayn sidii hore ciidan beeleed! tani waxay keentay in shabaab laga sifeeyo,Mogdisho iyo gobolada dalka intooda badan inta kalana lagu raad joogo ilaa laga tirtiro sida qorshuhu yahay.
Dhanka dhaqaalaha dawladu waxay la dagaalantay Musuqmaasuqii iyo qaabkii hore ee ninka madaxweynaha ahi lacaga jeebka ku shuban jiray,waxay siisaa shaqaalaha iyo ciidamada qaranka mushahar joogta ah si kabadalan sidii hore ee aysan heli jirin sanado wax musha har ah ciidamadu,taasoo keeni jirtay in ay isbaaro dhigtaan jidadka MOGDISHO iyo meel walba.Dayntii dalka oo ahayd bilyanis doolar ah ayaa dawladeenu ku guulaysatay in dalkeena laga cafiyo,taasoo ka dhalatay kadib markii aduunyadu aragtay habka maamul ee aaminka ah ee dawladeenu ku shaqayso,iyo dadaalka ay ugaleen in daynta laga cafiyo taasoo ay soo buuxiyeen shuruudihii laga rabay soomaaliya oo dhan.
DHanka doorashada,Dawaladu waxay qabatay oo dajisay nidaam aan heerkiisa oo kale wali dalkeena loogu arag oo ah xor iyo dimuqraadi in laysku doorto 2021 kasoo madaxweynuhu shacabka soomaaliyeed hortooda ku sixiixay qaabka doorashadu u dhacayso oo ay isla gaareen labada aqal kansare iyo golaha shacabka oo aqlabiyad ku sixiixay kadibna u gudbiyay madaxweynaha oo sixiixay lana qaatay fikirkoodaas.
Hadii qodobka 53 ee xeerka doorashada ee ay soomaaliya sixiixday,oo ah mid ay dawlad waliba leedahay,oo ah Hadii dal ay ka dhacdo musiibo qaran,sida mid amaan,dhul gariir,duufaano,cudurada faafa ay dalka ka dhacaan dalkuna uu doorasho gali lahaa waa la dib dhigayaa DOORASHADA maxaayeelay sharcigaa ayaa la ilaalinayaa dalkuna waa in uu ku dhaqmaa sharciga u yaala.Dad dawlad diid ah oo aan raali ku ahayn soomaaliya oo dawlad yeelata masayrna ishaa u yeelay la xariira fadhiid namadoodii horaysay iyo xatooyo xoolo dadweyne!!,iskana dhiga mucaarad ayaa is tusay siday latahay in ay dadka ku qaldaan dawladu waa ku DARSANAYSAA!! KUDARSI IYO DOORASHO DIB LOO DHIGAA ILMAHA DUGSIGA HOOSE DHIGTA AYAA KALA GARANAAYA  WAA LABA ARIMOOD OO KALAFOG SHAQANA ISKUMALAHA,ISLA MARKAANA MUCAARAD KU SHEEGU DAN KAMALAHA SHARCIGA DALKEENA IYO QODOBKAAS 53AAD.waxayna doonayaan in siday ahan jireen oo  kale la noqdo oo aan sharciba lagu dhaqmin!! Cidna hore uma ogayn oo ma hubin markii qodobka 53aad la qoraayay in uu iman doono CUDURADA FAAFA ee hada socdaa,Kaligeen maha dawlado farabadan ayaa dib u dhigay cudurada faafa dartood doorasho dhici lahayd dalkooda 2022. markaa inaga soomaali ahaan majirto dawladeena iyo dalkeena sharci u diidaaya in khatartan jirta darteed dib loo dhigo doorashada loo balan sanaa.Laakiin waxaa jira sharci diidaaya in doorasho la qabto xaalad khatar haduu dalku galo sida cudurada faafa qodobkaas oo ah kan 53aad ee inoo qoron. dawladan hada jirta iyo midkastoo timaada qodobkaan waa mid jiraaya had iyo jeer.
Dawlada soomaaliyeed wali waxay iskuwada waafaqsan yihiin in doorashadu dhacayso,oo hada uun waa kii ka hadlaayay Raysalwasaaraha qaranka soomaaliyed mudane Khayre.sidaa daraadeed shacabka soomaaliyeed wuxuu ku qabaa kalsooni buuxda dawladiisa waxaana looga mahad celinayaa wax qabadkooda iyo agaasinkooda dalka ay u diyaariyeen doorasho xor iyo xalaal ah.
Hadii illaahay kusiiyo wanaag waa loo mahad naqaa oo lagu shukriyaa.shacabka soomaaliyeed dawlad fiican bay heleen ha xajisteen ha difaacdeen hana u duceeyeen,yaan lanoqon caasi ay ku dhacdo caro illaahay oo garan waaya nicmada eebbe siiyay.
1.DALKAY NABAD KU SOO DABAALEEN. 
2.DAYNTII RAGAADISAY DALKA WAA KA SAAREEN
3.DOORASHAY INOO DIYAARIYEEN 2021(hadaan dib loo dhigin sida sharciga dalkeenu qabo ee qodobka 53aad amraayo)