RW Khayre “Howsha ugu muhiimsan ee na hortaalla maanta waa in dalka si nabad ah ay uga dhacdo doorasho la isla ogol yahay..”

Muqdisho:-Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankii golaha wasiirrada ee Khamiislaha ahaa wuxu ka iclaamiyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay bilaabeyso dadaalka sidii dalka waqtigii loo asteeyay ay doorasho uga dhici laheyd.

Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay golaha wasiirrada in howlaha ugu muhiin ee dowladda horyaal ay yihiin doorashooyinka, isla markaana wixii haatan ka dambeeyay ay ka qeyb qaataan sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacdo si nabad ah.

“Nidaamka u yaalla dalkan afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin, howlsha ugu muhiimsan ee na hortaalla maanta waa in dalka si nabad ah ay uga dhacdo doorasho la isla ogolyahay” ayaa yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hadal jeedintiisa laga dheehan karay in uu muujinayey taxadar gooni ah, waxuuna xusuusiyay golihiisa wasiirrada in sharciyada ay ku joogaan xilalkana ku hayaan ay tahay mid ku timid doorasho.“Doorasho ayaa ka dhici jirtay dalka noocey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aan halkan ku joogno na siisay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo saamileyda siyaasadda dalka iyo xubnaha beesha caalamka ay mudooyinkii dambe muujinayeen shaki la xariira in xukuumaddu ay ku howlantahay mudo kororsi.