Masar oo hub siisay Soomaaliya si ay ugu kaalmayso khilaafka kala dhexeeya Itoobiya.

Wargeyska The Reporter ee kasoo baxa Ethiopia ayaa daabacay in Dowlada Egypt ay hub sharci daro ah geysay Soomaaliya February 2020,Xili ay ogeyd in Soomaaliya ay saaran tahay Cunaqabateynta Hubka ee Qaramada Midoobay Dalka Saartay.

Wargeyska waxaa uu sheegay in uu arkay Waraaq qarsoodi ah oo wasaarada Gaashandiga Soomaaliya ay la wadaagtay Dhigeeda Dalka Masar,kaa oo ku cadeenayo in uu helay Hub iyo Saanad Ciidan,Waxaana waraaqda ku Saxiixnaa Wasiirka Gaashaandiga Xasan  Cali Maxamed,Waxaana la saxiixay Taariikhdu Markay ahayd 29,Feb 2020.

Waraaqda ayaa lagu cadeeyey in Wasaarada Gaashandiga Soomaaliya ay Heshay 13 Nuuc oo Hubka Kuwa Fudud iyo Madaafiicda ah.

Wargeyska ayaa waxaa uu Tibaaxay in Wasiirka Gaashandiga Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe uu ku yiri Waraaqda uu u diray Dowladda Masar in aan dib loo iibsan doonin Hubkaas.

“Wasaarada Difaaaca Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadeeneysaa in Badeecadaas aan dib loo Iibin doonin,Ama loo sameeneyo in uu isticmaalo shaqsi aan ka tirsaneyn Laamaha Amniga Soomaaliya,Iyado oo aan lagu qeexin Ogolaanshiyaha Jamhuriyada Carbeed ee Masar”. Ayuu ku sheegay Wasiirka Waraaqda.

Wargesyska ayaa sidoo kale soo bandhigay Nuucyada iyo Tirada Hubka oo wasaarada Difaaca Masar ay ku wareejisay Xukuumada dhexe ee Muqdisho.

Waraaqda ayuu sheegay Wargeysku in lagu cadeeyey in Soomaaliya ay Heshay 50 RPG ah,7  Hubka darandooriga u dhaca ah, 1,200 AK47s, 25 PKM Nuuca dhexe ah oo wata 100 Rasaas iyo 175 PKM nuuca Fudud ah oo Wata 700 Rasaas , 50 Hubka Nuuca loo Yaqaan Dhashiikaha ah,20 Shamshuutaro oo la socdaan 1,000 Rasaastiisa ah,6 Halbeeg oo Madaafiicda ah oo ay la socdaan Rasaas gaareysa 550 Xabo,iyo 636 Bastoolada ah.

Masar ayaa waraaq iyana ku cadeysay in ay Kordhineyso taageerida ay Siineyso Ciidamada amniga Soomaaliya.

Cabdiqani Maxamud Caateeye Wasiirka Difaaca Somaliland  oo Ku lifaaqay Waraaq Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa waxaa uu diray Midowga Africa iyo Qaramada Midoobe Waxaana uu sheegay in uu ka walacsan yahay U hogaansanaan La’aan soomaaliya ee Cunaqabateynta Saaran.

“Waxaan Cambaareneynaa Dowlada Egypt Ku xadgudbideeda Cunaqabateynta Soomaaliya Saaran,Arintani waxaa ay Qatar wayn galineysaa Xasiloonida iyo Nabadda Gobolka”.ayuu yiri Wasiirka.