ileeyn Bani Aadamkamu haduuna jirin Sharci Cadaalad ah..!!!.

ileeyn Bani Aadamku hadduuna jirin Sharci Cadaalad ah oo kala Xakameeyo Lana wada dhowro, waa isku mid, meel ay Dunida ka joogaanba.
Haddii aad daawatay Video- ga, Rabshadihii Minnesota. Ninkii Dadka la hadalayay oo Somalida amaanayay ayaa yiri: Weligeey ma arag Qof dhagax tuurida uga wanaagsan Somalida. ( F.S: 1aad).
(a man praising the Somali in Minnesota says, he never seen anyone throws Rocks like the Somalis).
Dudishe, ayaa ku yiri: kani ma ogo miyaa dhaqanka Somalida, in Somalidu ey leeyihiin Taalo la yiraa dhagax tuur oo loo dhisay dhagax tuurida. ( F.S:2aad).
( Someone should tell him that Somalis have a statue for Rock throwing Heroes).
Dadku haddii ey Cadaalad daro dareemaan, waa kacaan, si ay u muujiyaan xaqa ay leeyihiin, waxaana caadiyan ka dhasho bur bur Hanti, Dhawac ,iyo Dhimasho, ha noqoto waddan ilbaxnimo iyo Horuumar sheegto ama mid Faqriya ama soo korayo.
Beni Aadamku meel uu joogaba waa isku mid hadduu Cadaald daro dareemo. fiiri Sawirada hoose,( F.S: 3 & 4 ) meeshu ma ahan Syria ,Ciraq ,Libya ama Somalia ee waa Dalka Mareykanka 2020.
Sharciga hala wada dhowro.
Qore: Yahya Amir