Gawaari siday Dhuxul oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo:-Ciidamada booliska ee maamulka Galmudug ayaa duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo waxay ku qabteen gaadiid siday dhuxul oo doonayay in uu magaalada gudaha u galo.

Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa horay uga u mamnuucday deegaanada Galmudug ka ganacsiga dhuxusha iyo guud ahaan dhirta, waxaana ciddii jebisa amarkaas lagu wargeliyay in cadaaladda la marsiin doono.

Gaadiidka maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa la sheegay inay saarantahay dhuxul gaareysa 500 oo loor.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa maalin ka hor Gaalkacyo ka sheegay inuusan jirin caqli u saamaxaya hadii ay yihiin madaxda Galmudug inay sii aqbalaan xaalufinta lagu hayo dhirta.

”Maanta kadib waxaan cadeynayaa in jaridda dhirta iyo gubisteeda si dhuxul looga helo ay mamnuuc ka tahay deegaanada Galmudug, cidii arrintaas lagu qabtana waxay mutaysanaysaa in sharciga la mariyo” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi.

Dhanka kale Caadiyan Soomaaliya waxaa ka mamnuuc ah in dhirta la jaro oo laga sameeyo dhuxul, sidoo kalena la dhoofiyo, balse goobaha qaar waxaa la sheegaa in si dhuumaaleysi ah looga dhoofiyo.