Somaliland oo maanta laga diiwaan geliyay Kiisas cusub oo Corona virus

War ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa lagu sheegay in kiisas badan oo gaaray 32 xaalad oo cusub oo ah xanuunka COVID-19 laga helay deegannadaasi, kadib markii baaritaan lagu sameeyay dad badan oo looga shakisnaa xanuunka.

Wasaaradda ayaa waxay tilmaantay in dhammaan dadkaasi loo sameynayo daryeel caafimaad oo la karaantiilay. Halka sidoo kale ay sheegtay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaasi qabay uu ugu dhintay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga bixiyay dadka maanta COVID-19 laga helay, iyadoo la sheegay in 21 ay rag yihiin, halka 11 ay dumar yihiin, kuwas oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

Wasaaraddu waxay dadkaan laga helay Coronavirus oo cusub ay da’ahaan ku sheegtay 19 sano illa 89 jir.

Dhanka kale Somaliland waxaa horay looga helay kiisas badan oo ah xanuunka Coronavirus, halka dhowr qof ay ka badbaadeen kuwa kelana ay u dhinteen, welina waxaa muuqato in xanuunka uu sii fidayo.