Saraakiil Dembi Baarista ka socota iyo Maamulka Sh/Dhexe oo Balcad u tagtay baarista Dil wadareed ka dhacay Gololey.

Deegaanka Gololey ee hoostagta Degmada Balcad Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa lagu dilay shaqaale ka shaqeynayay Xarun lagu daryeelo Hooyada iyo Carruurta MCH.

Guddoonka sare ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiil ka tirsan Waaxda Baarista Dambiyada si ay baaritaanno dhab ah ugu sameeyaan sida dhacdadaas u dhacday iyo cidda ka dambeysa.

Afhayeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xalay u hoyotay Degmada Balcad ay maanta guda galayaan xaqiiqo raadinta sida ay wax u dhaceen.

Ehelka dadka la dilay ayaa dhanka kale dalbaday inay cadaalad u helaan carruurtooda dil wadareedka loo geystay, iyada oo ku howlan samafalka dadka deegaanka sida ay hadalka u dhigeen.

Dilka loo geystay 8-da ruux ee ka howlgalayay Xarunta Daryeelka Hooyada iyo Carruurta ee MCH-ka wuxuu ka dhacay deegaanka Gololey oo ka tirsan Degmada Balcad.

Maalin ka hor ayaa la waayay dadkaan balse shalay ayaa la helay meydadkooda iyaga oo la dilay, waxaana ka falceliyay dhinacyo kala duwan oo weerarkaas ku tilmaamay xasuuq ka dhan ah dad aan waxba galabsan.