Ciidanka Xoogga oo ku howlan raadinta ciddii ka dambeysay dilkii shaqaale caafimaad.

Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 27-aad Col:Abshir Maxamuud (shitaqeey) ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka xoogaa dalka aysan wax lug ah ku lahayn dil sideed ruux loogu geeystay degaanka gololeey oo hoosyimaado degmada balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay ku jiraan baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay dhacdadaasi balse wax shaqo ah aysan ku laheyn Ciidanka Xoogga .

Col:Abshir Maxamuud  waxa uu qiray in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin difaaca dadka Soomaaliyeed balse aysan ka suurtoobin inay falal waxashnimo ah kula kacaan dadkooda.