Wasiir Amniga Galmudug oo ganacsatada uga digay inay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Axmed Macalim Fiqi wasiirka amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in shacabka iyo ganacsatada reer Galmudug ay uga digayaan in Al-Shabaab ay siiyaan lacagaha loogu yeero zakawaatka, kaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo ah laga qaadayay.


Wasiirka Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in sida ay ula dagaalamayaan Al-shaabab ay sidoo kale ula diriri doonaan shacabka iyo ganacsatada reer galmudug, kuwoodii lacagta siiya Al-shabaab, taasi badalkeedane loo baahanyahay in lacagahaasi la siiyo maamulka galmudug si uu ugu hormariyo deegaannada maamulkaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhowaan baarlamaanka galmudug ay horgeynayaan sharciga argagixiso la dirirka, kaasi oo wax badan ka beddeli doona sida uu tilmaamay qorshaha lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo kooxaha xagjirka loogu yeero.