War Deg Deg ah:-Qarax Goordhow ka dhacay aga-gaarka Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxaan oo inta badan Degmooyinka gobalka Banaadir laga maqlay ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid Gaari lagu xiray.

Qaraxa oo ka dhacay dhabarka dambe ee Barxadda Iskaashatada Gaadiidka Gobalka Banaadir ee Degmada Xamar Weyne, una dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxaya Warar is khilaafsan.

Dadka qaar ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya Qaraxa Gaarigiisa loogu xiray , balse aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa xiray Ciidamo ka tirsan Milatariga Ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo Dadka iyo Gaadiidkuba u diidaya halka ay wax ka dhaceen inay ku soo dhawaadaan.