Mareykanka oo korortay Tirada dhimashada covid 19 u dhintay.

Tirada dadka xanuunka Covid-19 ugu dhintay dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 100,000 oo ruux.

Dadkan ayaa ku dhintay mudo ka yar afar bilood laga soo bilaabo markii uu Faysriskan ka dilaacay dalkaasi.

Kiisaska xanuunkan ayaa gaaray 1.69 milyan oo kiis oo ah 30% kiisaska laga xaqiijiyay dunida oo idil.

Dhanka kale Guud ahaan caalamka waxaa haatan uu ku dhacay caabuqa Karona in kabadan 5.6 milyan oo ruux halka sidoo kalana dadka u dhintay ay ka badan yihiin 350,000 oo ruux