Madaxweyne Waare oo magacaabay guddiga ka shaqaynaya Mashaariicda hormarineed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalalka Waara, kuwaas oo ka shaqaynaya isku duba ridka Mashaariicda xalka loogu raadinayo ka hortaga fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in Guddigaan oo ka kooban 9 Xubnood ay u xilsaaran isku dubaridka iyo mashaariicda xalalka waara, taasi oo qeyb ka ah Xal u helida Biyaha Had iyo jeer ku fataha Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Deegaanada Hirshabelle.

Guddigaan ayaa ka booban qaar ka mid ah Wasaaraha Maamulka Hirshabeelle, Maamuladda Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,waxa ayna ka shaqaynayaan isku duba ridka Mashaariicda hormarineed.

Halkaan Hoose ka Aqri.No photo description available.