Kooxo Hubaysan oo Muqdisho ku dilay Nabadoon Caan ah.

Koox hubaysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo mid ka mid ah ilaaladiisa,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud nin ilaalo u ahaa la dilay degmadaasi xilli ay fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan jirin cid loo soo qabtay ilaa iyo hada.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir wali wax faah faahin ah kama bixin dilka Maanta ka dhacay Xaafada kamid ah degmadaas,waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi.

Al Shabaab ayaa horay u beegsaday Odayaal dhaqameed ay ku eedeeyeen in ay wax ka soo xuleen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ama ay xariir laheeyihiin Dowladda Faderaalka Soomaaliya.