Go’aan Aabbenimo oo uu qaatay awgiis ayaa looga habaarayaa cuniggiisa!!!.

Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Watford, Troy Deeney ayaa sheegay in dad lasoo xiriiray ay u sheegeen inay jeclaan lahaayeen in cunuggiisa yar uu ku dhaco cudurka coronavirus kaddib markii uu go’aansaday inuusan ku laabannin tababarka.

Deeney ma uusan dooneynin inuu cunugiisa, oo qaba dhibaatooyin dhinaca neefsashada ah “galiyo khatar kale oo dheeraad ah”, wuxuuna sidoo kale muujiyay walaaca ku saabsan inay halis gooni ah wajahayaan ciyaartoyda madowga ah iyo ku kasoo jeeda Aasiya ee laga tirada badan yahay. Waxaa laga sugayaa inuu tababarka dib ugu laabto isbuuca dambe.

“Waxaan arkay hadallo la ii soo diray oo la xiriira wiilkeyga, dadkuna waxay dhahayeen: ‘Waxaan rajeynayaa inuu wiilkaaga ku dhaco corona’,” ayuu yiri Deeney, oo 31 jir ah.

Troy Deeney waa mid ka mid ah ciyaartoyda ay ku tashato kooxda Watford 

Troy Deeney waa mid ka mid ah ciyaartoyda ay ku tashato kooxda Watford

Wuxuu qeybta ciyaaraha ee telefishinka CNN ku yiri: “Arritaas ayaan culeys kala kulmayaa. Haddii aad waxaas jawaab ka bixiso, kaddib dadku waxay dhahayaan: ‘Haa waan la helnay’ wayna sii wadayaan xumaatada.

“Xilligan oo wax walba ay ku saabsan yihiin caafimaadka maskaxda ayuu qof walba dhahayaa ‘ka hadal arrintan, ka hadal arrintan, fadlan hadal’, Danny Rpse wuu hadlay anigana waan hadlay taas ayaana nalagu qoomay.

“Marka dadku waxay arkayaan taas wayna la yaabayaan, annaguna xaaladdu nooma aha sida ay kor uga jeedaan, hadal kasta oo la yiraahdo toos ayuu maskaxdeenna u abaarayaa, idinkuna waxay idinla tahay in wax walba ay iska sahlan yihiin, oo shaqada dib loogu laaban karo durbadiiba'”.

Maalintii Arbacada, kooxaha Premier League ayaa si aqlabiyad leh isugu raacay in dib loo billaabo tababarka tooska ah ee ay ciyaartoydu istaaban karaan, laakiin kooxda Watford lama filayo inay tababar billaabaan ilaa laga gaarayo isbuuca soo socda.

. 

Deeney wuxuu la hadlay ku xigeenka madaxa caafimaadka ee England, Professor Jonathan Van-Tam, waxaana la filayaa inuu garoonka tababarka tago toddobaadka xiga.

“Wuxuu sameynayay cilmibaaris aad iyo aad u wanaagsan, waxyaabo badan oo wanaagsan ayuuna ii sheegay, ugu dambeyn waxaan hoosta ka xariiqnay in dadaal badan la sameeyay, sababtoo ah waxaan isla garannay inay jiri karto khatar la taaban karo oo ciyaartoyda soo food saari karta marka ay howshooda dib ugu laabtaan,” ayuu yiri Deeney.

“In xayiraadaha iyo kala fogaanshaha dadka ay meesha kasii baxayaan waxay micnahooda tahay inay dadku wali la kulmi karaan halis caafimaad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Tartanka horyaalka Ingiriiska ayaa hakad galay kaddib markii uu faafay cudurka Cvod-19, wuxuuna la mid noqday tartamo badan oo Yurub iyo meelo kale oo caalamka ah laga joojiyay.

Watford ayaa xilli ciyaareedka intii uusan hakadka galin taariikhda ku gashay inay hor istaagto kooxda Liverpool oo aan laga guuleysanin tan iyo markii uu horyaalka billowday sanadkii lasoo dhaafay.

Troy Deeney and Mohamed Salah 

Ciyaar ay dadka qaar ku tilmaameen “mid mucjiso” ah oo dhex martay labada kooxood ayaa ku idlaatay 3-0 ay guusha ku raacday kooxda Watford.

Watfor ayaa markaas mid ka mid ah kaalimaha ugu hooseeya uga jirtay horyaalka, halka Liverpool ay dhicbo aad u badan ku hoggaamineysay dhammaan 20-ka kooxood.

Kulankaas ayaa soo afjaray rajadii aheyd in kooxda Liverpool ay ku guuleysato Horyaalka Ingiriiska iyadoon marna dhinaceeda dhulka la dhigin xilli ciyaareedkan.

Ciyaartoyga lagu magacaabo Ismaila Sarr ayaa laba gool dhaliyay halka goolka saddexaadna uu ciyaarta ku soo khatimay kabtan Troy Deeney.

Xigasho:BBCSomali