Dhaqaatiirta Magaalada Cape Town ee K/Afrika oo qarka u saaran inay joojiyaan Shaqadooda.

Hawlwadeenada Caafimaadka ee ka hawlgala Isbitaalada Cape Town ee K/Afrika, ayaa qarka u saaran inay shaqada joojiyaan, ka dib markii in ka badan 1000 shaqaalaha badbaadiyeyaasha Caafimaadka ah uu ku dhacay Xanuunka #COVID19, qaarkoodna ay u geeriyoodeen.


Isbitaalada ugu waaweyn sida Tygerberg, New Somerset, Groote Schuur, Khayelitsha, Mitchells Plain iyo Mediclinic Cape Town, ayaa dhammaantood sheegay inay qaabilaadda Bukaanada qaba Corona virus joojin doonaan.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa iyo Wasaaradda Caafimaadka si gaar ah uga dalbaday inay ka jawaabaan cabashadooda ah inuusan ku filneyn qalabka ka hortagga ee loogu talagalay inay xirtaan Hawlwadeenada.

Western Cape, oo Kumanaan Soomaali ah ku nool yihiin, ayaa ah Gobalka uu 65% asiibay Cudurkan xargaha goostay ee ee COVID19.

WD:C/Risaaq Indha Jaceel