Kaa horaa!!! (Qiso dhexmartay Nin Soomaali ah iyo Saaxiibkiis Naajeeriyan ah).

Nin Somaliya oo Qurba joog ahaa ayaa la kulmay Saaxiibkii Naagerian ah.( F.S: 1& 2aad).
Somaligii ayaa yiri: Hore waxaan u bartay Cilmiga Baabuuranology, Babe yiistic, Bii-fadhikudiririlogy, Baariistanology, Baarbayeeritonomy, Biology, waxaana ku heeystaa Shahaadada MSc iyo PhD.Laakin hadda waxaan ahay Politician.
Naajeeriyaankii oo yaaban ayaa yiri: yaah, yaah, Haddana taas miyaad keenteen.
Anigu waxaan ku takhasusay Cilmiga Qurbajoogoology, aan kula taliyo.
1. kaa horaan Bachelor Beena sameeystay, Baaga muudaan ku dambeeyay.
2.kaa horaan Bidaar lahaay, Busaaradaana ka qaaday.
3.kaa horaan Been ku booteeyay, Balaayaa iga raacday.
4.Kaa horaan Budget Boobay, Babe yaa iga baaday.
5.kaa horaan Badda beecishay, leey baacsadaan ku dambeeyay.
6.kaa horaan Xil beeciyay, Basarkiyaa socon waayay.
7.kaa horaan mid Bac madoow loo tuuray Baarlamaanka dhax keenay, Biibitoow ku dambeeyay.
8.kaa horaan Bilcaanteeydii ka bakhoolay, Bikrayaalna ka doontay, in leey wada bursho iyo bax ey ku dhamaatay.
9.kaa horaan kii Been teeyda diido, Qaran dumis u baxaayay.
10. kaa horaan Basada xiirtay, Bidaaraana ka qaaday.
FG: Haddii aan sii wado waxaan ka baqaa in la i yiraa, Qurba joogtaad neceb tahay,oo saaxiibadeey aan jecelahay la iigu diro.
Haddii aad Adigu wax ka taqaan Cilmiga Qurbajooganology, dhameeystir talada 11aad.
Qore: Yahya Amir