Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax askar lagu dilay Duleedka Degmada Balcad.

Balcad:-Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan meel aad ugu dhaw deegaanka Gololey oo hoos tagta Balcad, waxaa gabal dhicii shalay qarax lagula beegsaday gaadiid ay wateen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyo gadiid ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya.

Illaa sideed askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil militeri, waxaana dhaawacii askartaas loola cararay degmada Balcad.

Dhanka kale Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay sheegeen in 10 askari ay uga dileen ciidanka dowladda, kadib markii qaraxaasi uu haleelay gaari ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ka soo baxay Jowhar, kuna jeeday Muqdisho.