Soo dhaweynta madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn Looga diyaargaroobay magaalada Cadaado

Cadaado:-Waxaa maanta magaalada Cadaado ka socda, qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor.

Gudaha magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiis fara badan, kuwaas oo ay ku xardhan yihiin sawirrada madaxweyen Axmed Qoor.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanga magaalada Cadaado, iyadoo goor dhow lagu wado in madaxweynaha iyo wafdigiisa ee ka soo baxaya magaalada Dhuusamareeb ay soo gaaraan.

Dhanka kale safarka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Cadaado saacadihii la soo dhaafay ay dad shacab ah ugu dhinteen fayraska Corona, iyadoo safarkiisan uu noqonayaa midkii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Cadaado, tan iyo markii loo doortay maamulka Galmudug inuu ka noqdo Madaxweyne.