Sheekh Shariif “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada Qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka..”

Muqdisho:-Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go’aankii wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Sheekh Shariif qoraalkiisa ku sheegay inuu aad uga xun yahay go’ankaas uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mudada intaas la’eg dib ugu dhigay hadal jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laga doonayey inay baarlamaanka hor yimaadaan 27-ka bishan, oo ku beegan maanta.

“Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri.

Sheekh Shariif sheegay in talaabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka sharciga doorashooyinka, isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada dalka oo mudo kororsi ay sameystaan hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka.

“Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda. Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.”